Colaadda Pakistan Iyo Hindiya Oo Saamaysay Isu-Socodkii Duulimaayada Caalamiga Ah Ee Dalalka Eeshiya.

Diyaaradaha isaga kala gooshaya Bariga Aasiya ee ku sii jeeda Yurub ayaa billaabay in ay ka weecdaan Hawada sare ee waddanka Pakistan iyo waliba waqooyiga Hindiya oo ah halka ay labada waddan xuduudka ka leeyihiin si ay uga feejignaadaan dhibaato soo gaadha maadaama colaadda labadan waddan meel halis ah marayso.

 

Hawada sare ayaa loo xidhay xiisadda sii siyaadaysa ee u dhaxaysa labada dal awgeed, ka dib markii uu dalkaasi Pakistan soo riday labo diyaaradood oo milatariga Hindiya leeyahay.

Duulimaadyada Pakistan ayaa la baajiyay kuwii kalana khadadkii ay marayeen ayaa laga wareejiyay.

Shirkadda Thai Airways ayaase iyadu tallaabo intaas dheer qaaday waxayna baajisay dhammaan duulimaadyadeedii ku aaddanaa qaaradda Yurub.

 

 

Iyadoo duulimaadyada koonfurta Pakistan ay cidhiidhi sii noqonayaan, shirkadda uu fadhigeedu yahay Bangkok ayay u suuragali wayday in ay marinno u hesho duulimaadyadeeda.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: