Ciidamada Darawiishta Puntland Oo Ku Hanjabay Inay Ka Goosanayaan Puntland +Wasiiro Ku Guul Daraystay Xalinta Khilaaf Ka Dhex Qarxay.

Dawlad Goboleedka Puntland Oo Qorshanayey Duulaan Ka Dhan Ah Somaliland Ayaa Ciidamadeeda Soo Dhuubtay Jiidaha Hore Ee Ay Fadhiismaha Ku Leeyihiin Ciidamada Qaranka Somaliland.
Wararkii U Danbeeyey Ee Aanu Helayno Ayaa Tibaaxaya In Khilaaf Culus Ka Dhex Qarxay Hogaanka Ciidamadaasi Iyo Madaxda Sare Ee Maamulka Puntland,Taas Oo Sababtay Inay Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Puntland Ay Ku Laabtan Fadhiisimahoodi Hore.
Cutubyadan Oo Ka Tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland Isla Markaana Hore Uga Anba Baxay Deegaanka Badhan,Waxaa La Sheegay Inay Ku Noqdeen Fadhiisimahoodi,Waxaanay Arintaasi Sababtay In Madaxweyne Denni Xubno Wasiiro Ah Usoo Diro Ciidmada Goostay,Si Ay Ugala Xaalan Cabashadooda
Ciidamadan Gadoodsan Ayaa Ku Gacan Saydhay Xubanaha Wasiirada Ah Ee Xalinta Khilaafka U Yimi,Waxaanay Ku Hanjabeen Inay U Goosanayaan Dhankaas Iyo Somaliland,Hadii Madaxweynaha Puntland Aqbali Waayo Dalabkooda,Kaas Oo Ah In La Bixiyo Mushaharaadka Ciidanka Oo Aan Mudo 3 Bilooda Helin Xuquuqdoodi
Ciidamadan Gadoodsan Oo Aan La Xaqiijin Tiradooda Ayaa Hakad Geliyey Duulaan Ay Dawlada Puntland Qorshaynaysay Inay Ku Qaadan Ciidamada Somaliland,
Dhanka Kale Gobolada Waaweyn Ee Maamulka Puntland Waxaa Laga Dareemaya Guubaabada Colaada Ay Ku Baaqen Madaxda Puntland,Waxaana Muuqata In Madaxweynaha Puntland Hayo Dariiqi Uu Ku Degay Madaxweynihii Ka Horeeyey Ee Cabdi Weli Gaas



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: