Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.

Ciidanka Booliska magaalada Hargeysa ay xabsiga dhigay  Afhayeenkii Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun oo isagu saacado ka hor war-baahinta kula haddlay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Sidoo Kale Waxay Isna Xidheen Ciidamadu Xoghayhii guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Abdi , Xadhiga  Masuuliyiintani  ayaa waxa noo xaqiijiyey qaar kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, waxaanay sheegaan Inay Masuuliyintani Ku Xidhan yihiin  xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI ayaa ka hore intii aan la xidhin war-baahinta la hadlay isagoo sheegay in aanay waxba iska bedelin baaqii Guddoomiye Cirro ee ahaa in berri taageerayaashiisu isugu yimaaddaan xarunta xisbiga,Waxa kale oo uu sheegay in xarunta xisbiga ay yimaaddeen ciidamo ka dhan ah qorshaha xisbiga ee berri.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: