Ciidamada Amisom oo laga yaabo inay ka baxaan Somalia iyo waxa ka dhalan kara.

Kampala(Somaliland Mirror)- Madaxwaynaha Uganda Yoweri Moseveni ayaa ku hanjabay inuu ciidanka waddankiisa oo dhan kala baxayo Somalia,  haddii midawga Afrika uu ku adkaysto in la dhimo tirada Ciidamada Uganda ee Somalia jooga.

Warkan Madaxwaynaha Uganda ayaa imanay ka dib shir dhawaan lagu qabtay Muqdisho oo socday muddo 5 maalmood ah, shirkaas oo ay kasoo qayb galeen, hagaanka Amisom,  iyo saraakiisha sarsare ee ciidanka Somalia,  iyo waliba masuuliin ka socda Qaramada Midoobay,  iyo midawga Afrika, shirkaas oo la isla meel dhigay qorshaha ka bixitaanka ciidanka Amisom Somalia iyo ku wareejinta ciidanka Somalia  hawlaha Amisom ay ka hayaan Somalia.

Laakiin khubara Amniga ku takhasusay , ayaa sheegay in qorshahani uu aad khatar u yahay , waayo, ciidanka Somalia na diyaar maaha, islamarkaana weerarada Al shabaab ayaa sii xoogaystay.

Shabakada (Somaliland Mirror), ayaa yaduna xog ay heshay sheegaysaa  in qorshaha bixitaanka  ciidanka (Amisom)  ay wajahayaan caqabado  badan oo ay ka mid yihiin; kuwo farsamo, iyo kuwo maamul, iyo kuwo dhaqaale oo keenay in kharashkii loogu talagalay ciidanka Amisom uu yaraaday, islamarkaana aan wakhtigiisa lagu helin.

Madaxwaynaha Uganda ayaa maalintii Sabtidii (9 March 2019) , ka yidhi shir Kampala lagu qabtay, inuu Qaramada Midoobay ku wargaliyay inuu la baxayo dhamaan ciidanka wadankiisa ka jooga Somalia oo tiradoodu tahay 6400 oo askari , waa haddii la isku dayo in la dhimo tirada Ciidamada Uganda ee Somalia jooga.

Madaxwaynaha Uganda ayaa hadalkiisa ku daray in go’aanka Qaramada Midoobay ee arintan khuseeya uu khaldanyahay ama uu dhinac maray la dagaalanka alshabaab.

Isla arintan lafteeda, ayaa jaraayidka la yidhaahdo ” East Africa” ka qoray, in ciidanka Somalia aanu marnaba hor istaagi karayn Al shabaab haddii ay baxaan ciidanka Amisom.

Jaraayidka ayaa wuxuu kaloo sheegay in Burundi oo yadana ciidan ka joogo Somalia ay codsatay in shir deg deg ah la isugu yimaado si arinta ka bixitaanka ciidanka Amisom looga arinsado.

Waddanada ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa ku doodayo in ciidanka Amisom aanu marka horeba ku filnayn sugida nabada Somalia iyo la dagaalanka argaxisasada.

Waxa xusid mudan in waddanka Burundi uu isaguna bishii hore ku hanjabay  inuu la baxayo dhamaan ciidamadiisa , haddii lagu adkaysto in ay ka dhimaan ilaa 1000 askari ciidanka ka joogo Somalia.

Uganda iyo Burundi ayaa ka mid ah waddanada ugu ciidanka badan Amisom.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: