CHAMPIONS LEAGUE: Bayern Munich oo dhulka la dhacday Barcelona.

Kooxda Bayern Munich ayaa dhoola tus weyn ka soo saartay Champions League markii ay 8-2 ku garaacday kooxda Barcelona si ay ugu gudbaan semi-finalka Champions League.

Lionel Messi iyo saaxiibadii ayaa waxaa kala dhantaalay kooxda hanatay Bundesliga ee Bayern Munich, xilli xiddigooda amaahda kaga maqan ee Philippe Coutinho oo daqiiqadihii dambe ee ciyaarta soo galay uu 2 gool ka dhaliyay midna caawimo ka gaystay.

Thomas Muller ayaa goolasha u furay kulanka, in kasta oo David Alaba uu iska dhaliyay goolka barbaraha ee Barca, lakin Ivan Perisic iyo Serge Gnabry ayaa Bayern 3-1 hoggaanka ugu dhiibay daqiiqadii 27aad.

Muller ayaa goolka 4aad ugu sii daray ka dib baas wareejina oo qurxoon oo uu ka helay saxibkii Kimmich isla qaybtii hore ee ciyaarta. Luis Suarez ayaa bilawgii qaybtii 2aad ee ciyaarta goolka 2aad u dhaliyay Barcelona.

Joshua Kimmich ayaa goolka 5aad u dhaliyay Bayern isagoo kubad qurxoon oo uu soo soo abuuray Alphonso Davies si wacan u dhammaystiray, in yar ka dib Coutinho ayaa soo galay ciyaarta isagoo Robert Lewandowski ku caawiyay kubad madaxana u saaray iyadoo Barcelona 6 gool ay ku noqotay.

Coutinho ayaa ciyaarta ka dhigay 7-2 daqiiqadii 85aad, iyadoo xiddiga Barca amaahda kaga maqan uu isla goolka 8aad Bayern u dhaliyay daqiiqadii 88aad ee ciyaarta taasoo Barcelona ka dhigtay waayahooda ciyaareed tii ugu liidatay ku dhawaad muddo qarni ah.

Kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ama Kooxda Rudi Garcia ee Lyon ayaa u dhexeeya kaliya Bayern iyo finalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: