Boqorka Sucuudiga Oo Ku Dhaqaaqay Arin Lama Filaan Noqotey Oo Ku Saabsan Dawlada Qatar

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa martiqaad u diray Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, si uu uga soo qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ka dhici doona magaalada Riyadh 9-ka bisha December.

Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee Qatar Amiirka dalka Qatar ayaa helay martiqaad uga yimid Boqorka Sacuudiga, balse ma sheegin inuu Amiirka ka qeyb galayo iyo in kale.

 

 

Dowladda Qatar ayaa weli shaacin heerka ay shirkaas uga qeyb geli doonto, iyadoo inta badan shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee sanadlaha uu sanado ka hor ahaa mid ay ka qeyb geli jireen dhammaan madaxda dalalka Khaliijka

 

 

Martiqaadkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Qatar ku dhawaaqday inay isaga baxday Ururka dalalka dhoofiya Saliida ee OPEC.

 

 

 

Shirkii sanadkii hore ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ku yeesheen dalka Kuwait ayaa dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn  ay u direen Wasiiro iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeeno, bedelkii la filayay in madaxdooda ay tagayaan

 

Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ayaa xidhiidhka  u jaray dalka Qatar, iyadoo ku soo rogay xayiraado hawada, badda iyo dhulka ah, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo Qatar ay iska fogeysay eedeymahaas.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: