Beel Wadda Dhaq-dhaqaaq hoose Oo isbadal Wayn Ku Keeni Kara Siyaasada Somaliland.

Hargiesa ( Somaliland Mirror)- Magaalada Hargeysa ayaa maalmihii la soo dhaafey waxa ka socdey shirar doceedyo ay yeelanayeen Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Masuliyiinta ka soo jeeda Beesha Bariga Burco, Shirar doceedyan ayaa ay u jeedkisa ay daaranaayen qodobadan hoos ku xusan:-

  1. Sidii Beeshasi u mideyn laheyd Murashaxiinta ka soo jeeda beeshasi ee ku hirdamaaya hanashada Gudomiyanimada Xisbiga Kulmiye ee shirweynihiisa la qabanaayo.
  2. Tabashada ay qabaan qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Iyo Ganacsatada Beeshasi oo ah iney ku hungooben dhisitaankoodii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi.
  3. In Beeshasi Madaxweynu Siiyo Saamiga ay ka tabanayaan Xukuumadiisa iyo Hanaanka Xukuumadu u Bixiso Mashaariicda.

Kulamadan ayaa qaar ka mid ah waxey ka dhaceen Guriga Xildhibaan Obama ee Magaalada Hargeysa, iyadoo halkaasi lagu saarey Guddi Xildhibaano ah oo Madaxweynaha la kulmi doona.

Geesta kale iyana ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey iney jiraan kulamo doceedyo uu la yeelanayo Madaxdhaqameedka iyo Ganacsatada Beesha Bariga Burco Hoogamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sida la xaqiijiyey kala hadlaayey Sidii Beeshu cududeeda ugu biirin laheyd Xisbigaasi oo Hoogamiyaha la sheegay inuu damacsan inuu u tartamo gudomiyanimada Xisbigaasi marka la gaadho shirweynaha Xisbiga.

Beesha bariga Burco ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey ay ka soo yeedhayeen Cabashooyin dhanka Saamigooda Xukuumada ah iyo Hanaanka Xukuumadu u bixiso Mashaariicda laga fulinaayo Dalka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: