Bayern Munich oo ku guuleysatey koobka qaarada yurub ee champions League.

Kooxda Bayern Munich ayaa ku guuleysatay koobkeedii lixaad ee Champions League ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen Paris Saint-Germain kulankii finalka ee xiisaha badnaa ee xalay ka dhacay magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Ciyaar la isku rafaaday ayaa waxaa go’aamiyay gool uu qeybtii labaad Bayern Munich u dhaliyay Kingsley Coman iyadoo Bayern Munich ay barbareysay rikoodha koobabka Champions League ee Liverpool oo ay min lix jeer wada qaadeen, halka AC Milan ay 7 jeer ku guuleysatay halka Real Madrid ay rikoodhka ku heyso 13 koob.

Bayern Munich ayaa qaaday koobka Champions League markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 2013 oo ay ka qaadeen kooxda ay Bundesliga ka wada ciyaaraan ee Borussia Dortmund.

FC Bayern Munich | Bleacher Report | Latest News, Scores, Stats ...



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: