Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain oo isagu soo baxay Finalka Champions league ee dhacaya 23 August 2020.

Bayern Munich ayaa markii lixaad quudaraynaysa inay koobka Champions League qaadaan, iyagoo iskugu soo baxay ciyaarta finalka kooxda ka dhisan Faransiiska ee Paris Saint-Germain oo markii ugu horeysay abid timi ciyaarta finalka.

Bayern Munich ayaa 3-0 ku soo xasuuqdey kooxda Faransiiska ee Lyon, halka PSG ay 3-0 ugu soo awood sheegatey kooxda Jarmalka ee RB Leipzig. Waxaana haatan finalka isagu soo baxay koox Faransiis ah iyo koox Jarmal ah.

Kulanka finalka ee u dhaxeeya PSG iyo Bayern Munich waxa uu ka dhici doonaa garoonka Estadio Luz ee kooxda Benfica ee magaalada Lisbon ee dalka Portugal.

Ciyaarta finalka waxaa la ciyaari doonaa maalinta Axada ee 23ka bisha Augusto, saacada geeska Afrika marka ay tahay 10:00pm Saacada Geeska Afrika.

Kulankaan ayaa yeelan doona xiiso gaar ah iyadoo ay iska horimaanayaan labo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: