Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday
mashruuc ku kacaya $ 40 milyan oo ah Kaalmo Horumarineed oo Caalamiga ah
(IDA) oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka
Waxqabadka Degdegga ah, si wax looga qabto khatarta Ayaxa iyo xoojinta
nidaamyada u diyaarsanaanta dalalka dhibaatadu ka jirto ee Afrika iyo
Bariga Dhexe.
Duullaanka Ayaxa ayaa saameyn xoog
leh ku yeeshay hab nololeedka ugu yaraan 2.6 milyan oo ku nool afartan
iyo saddex degmo oo ka tirsan Soomaaliya. “Khatarta duulaanka ah ee
Ayaxu waxay sii xumaynaysaa dhibaatada bina-aadamnimada ee ka jirta
Soomaaliya isla markaana horseedaysa helitaanka cunno yari, dakhli lumis
iyo iskahorimaad ku saleysan kheyraadka,” ayuu yiri Agaasimaha Bangiga
Adduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo.
Mashruucaan wuxuu taageeri doonaa ku
dhawaad 100,000 oo qoys oo helidoona caawimaad lacageed si ay u helaan
cunno awood u siinaya inay ilaashadaan hantidooda iyo jir ahaanta inta
lagu jiro dhibaatada.
“Waxaan taageereynaa dowladda
federaalka ah ee Soomaaliya inay dejiso nidaam ilaalin bulsheed oo hoos
yimaada barnaamijka Baxnaano kaasoo si dhaqso leh uga jawaabi kara si
looga ilaaliyo beeraleyda iyo xoola dhaqatada, inay ku dhacaan heerar
qoto dheer oo cunno yari, iyo sidoo kale ka hortagga iibka iyo luminta
hantidooda wax soo saar,” ayuu yidhi Felipe Jaramillo.
Ku dhawaad boqolkiiba 70 dadka Soomaalida ah ayaa ku nool heerka ugu
hooseeya ee saboolnimada iyadoo saboolnimada ay aad ugu sii badan tahay
meelaha miyiga ah, taasoo ka dhigeysa Soomaaliya dalka saddexaad ee ugu
saboolsan gobolka.
Home WARARKA Bangiga Aduunka Oo Meel Mariyey $ 40 Milyan Oo Lagu Taageerayo Wax Ka Qabashada Dhibaatada Ayaxa Ee Soomaaliya.

Bangiga Aduunka Oo Meel Mariyey $ 40 Milyan Oo Lagu Taageerayo Wax Ka Qabashada Dhibaatada Ayaxa Ee Soomaaliya.
Previous PostDaawo:- Xaalada Dalka Ethiopia Oo Kacsan, Banaanbaxyo Dhimasho Iyo Dhaawacyo Sababay
Next PostFayras Kale Oo Ka Dillaacay Shiinaha Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Dunida Ku Faafo.