Baarlamanka Soomaaliya Oo Kalsoonidii Kala Noqday Ra’iisul wasaare Khayre & Xaaladihii Ugu Dambeeyay Oo Kacsan.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa kalsoonidii kala noqday ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumaddiisa, sida uu hadda sheegey Guddooomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

170 Xildhibaan ayaa u codaysay in xilka laga xayuubiyo ra’iisal wasaaraha, waxa diidday 8 mudane. Goluhu waxay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen in ay dalka gaadhsiin wayday doorasho qof iyo cod ah, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xiray kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday ra’iisul wasaraaha Somalia, Xasan Cali Khayre.

DG DEG: Guddoomiye Mursal oo shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday Ra’iisul wasaare Khayre

Mursal oo hadlay kadib buuq hareeyey kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay inay xukuumadda kalsoonida kala noqddeen illaa 170 mudane, ayna diideen siddeed xildhibaan, isaga oo tilmaamay in aysan jirin cid ka aamusta, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si loo dardar-geliyo howlgaha laga sugayo xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu goobta uga dhawaaqay guddoomiye Mursal magacyada xildhibaanada maanta sameeyey buuqa, kuwaas oo kala ah:- wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Aadan Isxaaq, Xildhibaan Dhuxulow, ildhibaan Xuseen Iidow, iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiid Ismaan Daallo, sida uu kulanka ka hor sheegay guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale ku eedeeyey xukuumadda inay fashilantay, doorashooyinka ee 2020/2021, maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka dastuurka, Sida ay horey u baahisay Karin News waxaa mooshinkan sida deg-dega ah loogu riday xukuumadda gadaal ka riixayey guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyada Soomaaliya.

Si kastaba ha’ahaatee lama oga sida ay sharci ku noqon doonto kalsooni kala noqoshada deg-dega ah ee lagu sameeyey ra’iisul wasaaraha, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: