Askar Ka Tirsan Millatariga Turkiga Oo Lagu Dilay Dalka Suuriya

han askari oo ka tirsanaa ciidanka Turkiga ayaa lagu dilay weeraro ay millatariga Suuriya ku qaadeen fadhiisimaha ay kaga sugan yihiin gobolka Idlib.

Wasaarada difaaca Ankara ayaa xaqiijisay in madaafiic hoobiyeyaal ah loo adeegsaday weerarka lagu soo qaaday ciidanka turkiga, ayna jirto dhaawacyo ka dhashay Mashaqadaan.

Waxay madaafiic la beegsadeen xarumaheena, ciidanka yagana waxay ka bixiyeen jawaab celin buuxda ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka.

Dowlada Turkiga ayaa dhanka kale sheegtay in ciidankeeda ku sugan gobolka Idlib ee dhanka xadka u dhow ay ka shqeynayaan xaqiijinta ammaanka, ka hortaga tahriibka iyo sidii loo caawin lahaa shacabka Suuriya ee ku barakacay Colaada.

Sarkaal u hadlay millatariga Turkiga ayaa sheegay in ay beegsadeen 115 saldhig oo ay ku sugan yihiin millatariga suuriya, ayna ku dileen 101 Askari.

Wasaarada difaaca Turkiga ayaa fal celintaan ku tilmaantay isdifaacid waafaqsan shuruucda Caalamiga.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: