Aragtiyo Iska Soo Hor Jeeda Oo Laga Bixiyey Go’aan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Ku Daadafaysay Go’aankii Ay Soomaaliya Dalkeeda Kaga Saartay Nicolas Haysom

Markii shalay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi soo saartay go’aanka ay taageerada ugu muujisay ergaygii qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom iyo sida ay u sii wadi doonto wada shaqaynta ay la leedahay waxa dadku in badan doodo iyo afkaar kala duwan oo qaddiyaddan la xidhiidha isku waydaarsanayeen goobaha lagu kulmo ee magaalooyinka dalka iyo waliba baraha bulshada oo doodaha ugu adagi ka taagnaayeen.

In badan oo shacabka ka mid ahi waxa ay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku taageereen Go’aankaasi uu shalay ka qaatay tallaabada Maamulka Muqdisho ka qaaday wakiilkii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay iyaga oo u arkayay fursad diblomaasiyadeed oo Somaliland soo martay oo sideeda looga faa’iidaystay, halka in badan oo kale taasi ka soo hor jeedeen oo ay go’aanka xukuumadda ku tilmaameen mid aan waxna  ku soo kordhinayn xidhiidhkii qaramada Midoobay iyo Somaliland.

Doodda hore dadka qaba ayaa waxa ay aragtidooda u sibir saarayaan sida Somaliland ku soo jiidan karto taageero ay ka helaan qaramada Midoobay in ay ugu muujiyaan in mar haddii Farmaajo iyo dawladdiisu ninkan eryeen, ay iyadu waa xukuumadda Somalilande u muujiso taageero taasi oo ay ku tusayso in Somaliland ka madax bannaan tahay Maamulka Muqdisho, sideedana u qaadan karto mawaaqif siyaasi ah oo madax bannaan. 

Dhinaca kale dooddan waxa kasoo hor jeeda dad kale oo iyaguna ku doodaya in tallaabada xukuumadda Muuse Biixi arrinkan ka qaadatay aanu waxba soo kordhinayn.

Rasmi ahaan Qaramada Midoobay waxa ay Soomaaliya u aqoonsan tahay dal  kaliya ah oo caasimaddiisu tahay Muqdisho, dawladdiisuna tahay taa Farmaajo ee Muqdisho fadhida.

Waxa uu ahaa go’aan aan khusayn Somaliland,  oo dalkaasi Soomaaliya Khuseeya.”

Sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac oo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacadaha dalka oo wargeyska Foore arrintan uga warramay.

Si kastaba ha ahaatee waxa la dhawri doonaa halka ay iskala soo dhacaan Maamulka Farmaajo iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM oo fadhigiisu Muqdisho yahay iyo waxa Somaliland uga soo kordha.

 

Xigasho




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: