Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Deynta Laga Cafinayo Soomaaliya Iyo Tallo Oo U Jeediyey Somaliland.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah khubarada aqoonta u leh cilmiga dhaqaalaha iyo bangiyada, ayaa ka hadlay daynta laga cafinayo Soomaaliya, isagoo talo arrintaas la xidhiidha u soo jeediyey Dowladda Somaliland.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo qoraal uu arrintan kaga hadlay ku faafiyey facebook-giisa oo wargeyska Jamhuuriya ka soo xigtay xalay, waxa uu tilmaamay in go’aanka Soomaaliya lagaga cafinayo daynta lagu leeyahay ay tahay wax wanaagsan oo u baahan in la soo wada dhaweeyo, waxaannu qoraalkiisu u dhignaa sidan; “Dhawaan kolkii laga cafiyey deynta waddanka Soomaaliya waxaan u arkayey in ay tahay arrin wanaagsan oo ay tahay in la soo dhaweeyo, weliba ay tahay in laga sii digo haddii aan deyn kale oo aan fiicneyn dadka mar kale qoorta loo gelineyn. Dadkii arrinkaasi hawsheeda lahaa in lagu hambalyeeyo ayey tahay. Sannadkii 2009-kii oo imminka 11 sannadood laga joogo ayaan kala talinayey waddanka Ivory Coast in deyntii lagu lahaa laga saamaxo, taasoo runtii ahayd deyn aad u ballaadhan oo balaayiin doolar ahayd. Xilligaasi anigoo metelayey Bangigii aan masuulka ka ahaa ee CEO of Citibank ee waddanka Ivory Coast, waxaan la-taliye dhow u ahaa Wasiirkii Maaliyadda iyo Madaxweynaha dalkaasi, si deyntaasi looga cafiyo.

Haddaba, dayntan la saamaxay waa maxay? Ma mid Soomaalida u gaar ahbaa, mise waa mid dalalka kalena laga cafiyo? Anigoo soo koobaya; deyntaa waxa laga cafiyaa kolba waddanka faqiirka ah ee ay ammaahda lagu leeyahay aad u badato oo magaceeda waxa la yidhaa HIPC (heavily indebted Poor Countries), waxaana maamusha Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF. Soomaaliya waxaa lagu lahaa lacag kor u dhaaftay $5.2 bilyan doolar, waxaana ku lahaa ilaa 20 dal iyo bangiyo caalami ah. Dul-saarka (interest) lacagtaasi ayaa ahaa in ka badan boqokiiba konton (50%) inta guud ee lagu lahaa Soomaalida.

Dalalka iyo hay’adaha lacagta ku lahaa Soomaalida, waxay badankoodu ka wada tirsan yihiin naadiga Paris Club. Kolay dhowr sannadood ka hor ilaa 2015 ilaa 2016-kii ayey Soomaalidu buuxiyeen shuruudihii dawladaha dayntu rigaadisay, laakiin wakhti bay soo qaadatay oo dad badan baa ka soo shaqeeyey arrinkani. Shuruudaha waxa inta badan soo gala in deymaha qaar yaryar ay bixiyaan Soomaalidu, taasina (bridge loan) ama deyn ku-meel-gaadh ah ayey heleen, si deynta weyn looga saamaxo.

“Kolay imtixaan hor leh ayaa la bilaabi doonaa oo lagu eegayo sida shuruudihii loo buuxinayo saddexda sannadood ee soo socda. Kama dambeynta waxaa soo hadhi doonta $557 milyan oo doollar oo la rabo in ay Soomaalidu iska bixiso.

Haddaba, waxaan arkayey iyadoo baaq shir saxaafadeed looga dirayo warbaahinta dhinaca Somaliland oo deyntaa la saamaxay ku saabsan. Aniga waxay ila tahay in Somaliland ay arrimahaasi si toosa ugala xaajoodaan dawladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, si kaalintooda uga ciyaaraan oo daymaha magacooda lagu soo qaadayo ama lagu bixinayo ay kaalin ku lahaadaan. Arrimo la dhayalsan karo maaha runtii. Guud ahaan Ilaahay kheyr ha ka dhigo,” ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: