Al-shabaab Oo Gudaha Kiiniya Ku Dishay Tobaneeyo Ciidamada Dalkaasi Ah Iyo Wararkii U Dambeeyay

Al-shabaab Oo Gudaha Kiiniya Ku Dishay Tobaneeyo Ciidamada Dalkaasi Ah Iyo Wararkii U Dambeeyay Ugu yaraan 11 ka mid ah saraakiisha Booliska Dalka Kenya ayaa lagu dilay weerar Miino ahaa oo ka dhacay duleedka
degaanka Libooyo ee sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.


Qarax Miino oo La galiyay Jidka dhinaciisa ayaa la kacday Kolonyo Ciidamada Kenya ah oo marayay Waddada Dhamajaale oo banaanka ka ah Libooyo.


Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Dalka Kenya Hillary Mutyambai, ayaa xaqiijiyay in weerarku ahaa Miino loo dhigay Kolonyada kaddibna ku qaraxday sababtayna dhimashada Askarta badan.


Waxaa uu sheegay in sidoo kale Askari kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas kuwaas oo lagu qaaday Gaadiidka Ciidanka si caafimaad loogu raadiyo.


Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka ka dhanka ahaa Ciidanka Kenya islamarkaana sababay
dhimashada 11ka Sarkaal.

Weerarrada ka dhanka ah Ciidanka Kenya ee ka dhaca Gobolka Soomaalida ayaa sii xoogeysanaya iyada oo dawladda Kenya
qarashka ugu badan uu kaga boxo dhinaca amaanka gaar ahaanna dagaalka ka dhanka ah waxa ay ugu yeerto argagixisada.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: