Akhriso:Loolanka Adag Ee Loogu Jiro Dhulka Somaliland Dawladaha Doonaya Inay Saldhigyo Ka Samaystan Somaliland +Wargaysyo Wax Ka Qoray

Hargaysa(somalilandmirror)-Safarii maalmo ka hor uu ku tagay magaalada Hargeysa wasiirka gaashaandhiga dowladda UK ayaa banaanka keenay loolanka adag ee loogu jiro Somaliland.

Safiirka  Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Moorgan ayaa shaaca ka qaaday in safarka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska ee somaliland yimi  uu banaanka keenay qorshaha dowladda UK ka leedahay Dawlada Somaliland.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in UK ay damacsan tahay inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Berbera ee Somaliland, halkaasi oo dowlado badan ay daneynayaan.

Loolanka Imaaraatka Carabta, Ruushka iyo UK ayaa hadda u muuqda mid laga dareemayo Dawlada  Somaliland, waxaana dhamaan dowladahaasi ay doonayaan inay saldhigyo ku yeeshaan Somaliland.

Imaaraatka Carabta ayaa heysta ogolaanshaha uu saldhig meletari kaga sameysanayo Berbera, waxaana saldhigaasi la sheegaa inuu yahay mid Imaaraatka uu ka damacsan yahay inuu kala dagaalamo xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Daacish.

Safarkii wasiirka gaashaandhiga UK ee somaliland yimi uu   shaaca ka qaaday qorshaha UK ee ay dhawaan shaaciyeen, kaasi oo ahaa inay saldhigyo ka sameysanayaan Africa, waxaana Somaliland ay noqotay meesha ugu horeysa ee xooga ay saareen.

Sidoo kale dowladda Ruushka ayaa dooneysa inay saldhig ciidan ka sameysato agagaarka magaalada Saylac, waxaana halkaasi ka muuqda in loolan adag loogu jiro saldhig ciidan oo laga sameysto gobolka.iyo kan Geeskaba 

 

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: