Akhiriso Warbixin Daaha Ka Qaadaysa Xogta Ku Qarsoon Shirka Golaha Dhexe Ee Xi sbiga Kulmiye + Doorka Maxamuud Xaashi Iyo Madaxwayne Biixi.

Shirka golaha dhexe ee xisbga Kulmiye ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa inta badan waxaa lays waydiinaya sababta ka danbaysa iyo sidoo kale cida noqon doonta gudoomiyaha xisbiga.

 

Hadaba shabakada wararka ee somalilandmirror.com ayaa la wadaagaysa bulshada ku xidhan xogta ay ka hayso shirkaasi, Sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ahi ujeedooyinka koobaad ee laga leeyahay shirka golaha dhexe waa in la buuxiyo xubnaha ka banaanaday ama laga saaray xusbiga iyo golaha dhexe.

 

Xogaha aanu helayno ayaa intaasi ku daraya in gudoomiyaha xisbiga loo kordhin doono Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi mudo Hal sano ah,  Ma jiraan xogo hoose iyo xod-xodasho lagu doonayo hanashada kursiga gudoomiye maadaama uu wali hor jooge ka yahay madaxwaynuhu ,waxaase aan meesha ka maqnayn rajooyinka ay kursigaasi ka leeyihiin siyaasiyiin badani oo ka mid yahay  Maxamuud Xaashi wasiirkii hore ee madaxtooyada.

 

 Sidoo kale saadaasha ayaa sheegaysa in gudoomiyaha xisbiga loo wado Axmed Ismaaciil Samatar balse shirka lagu dooranaya ma ahan kan dhawaan la shaaciyey ee lagu qabanayo Boorama.

Ma jiro Wax saamayn  Ah Oo uu shirkaasi ku yeelanayo dalka maadaama oo aanay jirin loolan siyaasadeed iyo mid ka dhex jira xukuumada lafteeda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: