Agaasime Doonayay Inuu Is Qarxiyo Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shaaaca ka qaaday inta uu xilka haayo in hay’addaha Sirdoonka dowladda Federaalka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo doonayay inuu is qarxiyo.

Duqa Muqdisho oo ku sugan dalka Koonfur Afrika, isla markanaa la hadlaayay Jaaliyadda Soomaaliya ee dalkaas ayaa sheegay in qaraxii uu ku dhintay Guddoomiyihii gobolka Eng. Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa Gobolka Banaadir uu fuliyay Agaasime kamid ahaa maamulka Gobolka, hayeeshee haatan la qabtay mid kale oo damacsanaa inuu Is qarxiyo.

Isaga oo sii hadlaayay Cumar Finish ayuu tilmaamay in Agaasimaha la qabtay uu qirtay inuu doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee arrintaas ay ka hortageen ciidanka amniga dowladda.

Sidoo kale Cumar Finish ma shaacin maga Agaasimaha la qabtay, kaasi oo haatan ay gacanta ay ku hayaan laamaha amniga.

Si kastaba 24-ka Bishii July ee sanadkan ayaa waxaa Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax ismiidaamin ahaa, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka Allaha u naxariistee Eng. Yariisow, Guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal dhowr ah iyo xubno kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: