Afrika oo la ciirciiraysa 14.7 Milyan qof oo waddanadooda ku barakacay, iyo 7.3 Milyan qof oo u qaxay waddana kale oo Afrika ah.

Addis Ababa (Somaliland Mirror)- Madaxa gudiga fulinta ee dhaqaalaha u qaabilsa Afrika isla markaana hoos taga qaramada midoobay , haweenayda Feera Soongooy ayaa sheegtay in qaarada Afrika ay la ciirciirayso 14.7 Milyan oo qof oo waddanadooda ku barakacay, iyo 7.3 Milyan oo qof oo u qaxay waddana kale oo Afrika ah.

Haweenaydan ayaa hadalkan ka tidhi kulankii lagu furayay ama loogu gogal xaadhayay shirwaynaha qaarada Afrika.

Soongooy ayaa sheegtay in qaarada Afrika imika ay tahay qaarada labaad aduunka ee xagga tirada barakacayaasha waddanadooda ku barakacay iyo qaxootiga waddana kale oo isla Afrika ah u qaxay.

waxa ay Afrika hoy u tahay 37% qaxootiga addunka , waxa nuskii  hore ee 2018 oo kaliya qaxay 2 Milyan oo qof oo kakala qaxay 5 dal oo Afrikaan ah oo kala ah, Nigeria, South Sudan, Kongo, Central Afrika,  iyo Somalia.

Tirada ugu badan ee qaxootiga Afrika ayaa waxa ay joogaan Bariga Afrika, yagoo kala ah , 59% qaxootiya iyo 49% barakacayaasha waddanadooda ku barakacay.

Dagaalka South Sudan oo kaliya ayaa qixiyaya nus Milyan qof oo u kala qaxay Uganda iyo Sudan.

Waddanada Burundi, Central Afrika Republic, Congo Democratic Republic, iyo Cameron ayaa tirada qaxootigu aad ugu badatay wakhtiyadan dambe.

khamiistii  shalay ayaa magaalada Addis Ababa ee xaruunta midawga Afrika ay ka bilaabmeen kulamadii wasiirada arrimaha Dibada ee Afrika,  kuwaas oo u gogol xaadhaya shirka madaxwaynayaasha Afrika ee loo qorsheeyay inuu bilaabmo maalmaha Axada iyo Isniinta soo socda.

Shirka midawga Afrika ee 32 ayaa waxa culayska la saaraya  ” qaxootiga, iyo barakacayaasha “.

Dawlada Masar ayaa dhamaadka Shir madaxeedka Afrika kala wareegaysa Paul Kagami Madaxwaynaha Ruwanda hogaaminta qaarada Afrika




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: