Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Ganacsade Axmed Geele Ku Eedey Inuu Lacag Ka Soo Dhacay Jabuuti.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo warqad ka akhrinaayey qoraal ayaa waxaa uu ka hadley arinta ka dhex taagan Ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Dawlada Jabuuti .

Afhayeenka ayaa sicad Ganacsade Axmed Cismaan Geele ugu sifeeyey nin lacago ka soo dhacay Bangiyo dalka Jabuuti ku yaala isla markaana waxaa uu sheegay in Hargeysa aaney aheyn meel lagula soo dhuunto lacagaha caalamka laga soo dhaco .

 

Sidoo kale Afhayeenka ayaa cadeeyey in xukuumada Somaliland ay ogolaatey in Bangi Faransiiska laga leeyahay uu Hargeysa Dacwad kaga furo Ganacsade Axmed Cismaan Geele , waxana uu afhayeenku dhinaca kale Ganacsade Axmed ku eedeyey in sharciga ka talaabsadey oo beelo abaabulay gaar ahaan madax dhaqameedka beeshiisa oo war moog ku tilmamay na uu kiciyey.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: