“Foolxumo ka weyni ma jirto in Wasiir uu aflagaado hawada u mariyo Madaxweyne ku Xigeenkii Qaranka” Wasiir Ku Xigeenkii hore ee qorsheynta Kaysar Maxamed

Bristol( Somaliland Mirror)- Wasiir Ku Xigeenkii hore ee qorsheynta Kaysar Maxamed Ayaa Dhaliilay Wasiir Saajinka Ganacsiga ee Saxaafada Ka Dhaliilay Saylici . Kaysar ayaa Wuxuu yidhi; “Foolxumo ka weyni ma jirto in Nin Wasiir ah oo Xukuumada ka tirsani intuu Warbaahinta soo hor fadhiisto uu aflagaado iyo xajiimayn hawada u mariyo Madaxweyne ku Xigeenkii Qaranka ee isaga xukuma oo Kursiga ku fadhiya Codka Shacbiga reer Somaliland oo la mid ah Codka uu Madaxweynuhu ku fadhiyo Kursiga.

Ummada reer Somaliland waxay eegaysaa Talaabada uu Madaxweynuhu ka qaado Wasiirkiisaa dar-jiidhay ee hilmaansan in Madaxweyne ku Xigeenku uu huwan yahay karaamada Ummada oo uu ku fadhiyo Codka Shacbiga reer Somaliland”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: