Magacyada Kaadiriin Waa Wayn Oo Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Ka Maqan Iyo Sababaha Keenay

Borama(somalilandmirror)-Magacyada Kaadiriin Waa Wayn Oo Shirka Golaha Dhexe Ee Kulmiye Ka Maqan Iyo Sababaha Keenay

 

 

Furitaanka shirka 6aad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa banaanka soo dhigay aragtiyo kala duwan oo laga dhex akhrisan karo inay ka jiraan xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiintiisa.

 

 

Shirka 6aad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxa ka maqnaaday xubno door ah oo culayskooda leh, kuwaas oo marar hore-na laga dareemay inaanay ku qanacsanayn hogaaminta madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumada uu soo dhisayba.

 

 

 

Xubnaha ka muquurtay inay shirka Kulmiye ka qayb galaan waxa ugu horeeya madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah aas aasihii xisbiga Kulmiye, kaas oo bilawgii qaban qaabada shirkaba ka cudurdaartay ka qyab galkiisa inkasta oo ay jireen shuruudo la sheegay inuu ku xidhay.

 

 

 

Inkasta oo madaxweyne Muuse Biixi uu goobtii shirka uga cudurdaaray hogaamiyihii ku wareejiyey talada dalka iyo xisbigaba hadana waxa la dareemi karaa inuu jiro dareen taban oo wali u dhaxeeya labadan hogaamiye ee wakhtiga badan soo wada qaatay, taas oo la xidhiidha mustaqbalka xisbiga Kulmiye.

 

 

 

Sidoo kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar oo hore u soo bandhigay saluuga uu ka qabo hogaaminta madaxweyne Muuse Biixi isla markaana sheegay inaanu fulinayn barnaamij siyaasadeedkii uu wax ka qoray ee xisbigu ku galay ololihii doorashadii madaxtooyada ayaa isaguna ka muquurtay ka qayb galka shirka Kulmiye ee Boorama ka furmay, marka laga tago saluuga uu ka qabo madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisana wali si rasmi ah umuu shaacin sababaha uu uga maqnaaday shirka.

 

 

 

Jamaal Cali Xuseen oo hogaaminayey garabkii ka soo baxay xisbiga Ucid oo uu wehelinayo Cali Guray oo mar kula biiray xisbiga Kulmiye ayaa dhankooda aan ka soo qayb galin shirka, iyada oo ay hore-na u soo baxeen warar sheegaya inay saluug ka qabaan fulin la,aanta heshiiskii ay la gaadheen madaxweyne Muuse Biixi wakhtigii uu murashaxa ahaa, balse Jamaal Cali Xuseen oo garabkaas hogaaminayey ayaa dhawr mar oo kala duwan soo bandhigay saluug uu ka qabo hogaaminta madaxweynaha.

 

 

 

Wasiirkii hore ee warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani iyo wasiirkii hore ee maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaan iyaguna ka soo qayb galin shirka 6aad ee golaha dhexe ee Kulmiye, kuwaas oo wararku xaqiijiyeen inaanay ku jirin xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, kuwaas oo xubinimada waayey markii ay ka mid noqon waayeen golaha wasiirada ee xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

 

 

 

Sidoo kale safiirka somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar iyo gudoomiyaha Kulmiye ee UK Xariir Xirsi Adare oo ka mid ah golaha dhexe ayaan ka soo qayb galin shirka, kuwaas oo aan wali si rasmi ah loo ogayn sababaha ay uga baaqdeen.

 

 

Xubnahan ka baaqday ka qayb galka shirka 6aad ee golaha dhexe ee Kulmiye ayaa ah kuwo leh miisaan siyaasadeed oo aan hogaanka xisbigaasi indhaha ka qarsan Karin, iyaga oo intooda badana xilal ka soo qabtay xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo halka qaarkood ay la dhamaysteen mudo xileedkii madaxweynihii hore.

 

 

 

Si kastaba ha ahaatee shirka 6aad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo maalintii labaad galaya ayaa la dhawrayaa natiijada ka soo bixi doonta iyo waxyaabaha lagu soo xidhi doono, iyada oo aan wali si rasmi ah loo shaacin ajandaha rasmiga ah ee shirka horyaala.

 

 

 

Madaxweynaha somaliland ayaa dhankiisa sheegay in maalinta 2aad ee shirka ay gali doonaan isla xisaabtan u dhaxeeya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo xukuumada oo la waydiin doono waxyaabaha ay ka fulisay balanqaadyadii xisbigu ku galay doorashadii madaxtooyada ee ugu dambaysay.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: