11 Maxbuus Budhcad badeed Beesha Hawiye Ah Oo Somaliland Hore U Cafisay, iyo Cabashada Maanta ee Beesha Hawiye

19 Maxbuus oo Budhcad badeed ah oo Somaliland cafiska u fidisay 11 ka mid waxay ahaayeen beesha Hawiye.

Maxaabiistan Ayaa Dawlada Seychelles ku aamini wayday Dawlada Somalia ka dib waxay keentay Somaliland , maxaabiista oo aha budhcad badeed ayay dawlada Somaliland sii daysay ka hor wakhtigii loogu talagalay yadoo tixgalin iyo wanaajin dadka Soomaaliyeed ee laga soo xidhay Seychelles u samaynaysa.

Balse Beesha u badan Maxabiistaass ( Hawiye) Hambalyo uma ay Dirin dawlada Somaliland talabada wanaagsan ee ay Qaaday, islamarkaana way ka aamuseen markii dawladii Farmajo warqad aduunka u Qortay ay ku maagayso Somaliland talaabada ay qaaday, yadoo ka dacwaynaysa caalamka.

ilaa imikana kamay Hadlin odayasha Dhaqanka ee Beesha Hawiye.

Laakin waxa dhawaan soo galay saxaafada cabasha ay odayaal beesha Hawiye ka bixiyeen Somaliland, cabashadaas oo ku saabsan arrimo la mida kuwa hore aan soo xusnay qaar lamida oo maxaabis iyo wax la mida ah. Odayaasha ayaa ku cawday in loo diiday in ay Hargayse yimaadaan wakhtigan xaaliga ah, laakin waxay sheegeen in odayaal dhigood ah oo reer Somaliland ah ay dadaalo ku jiraan sidii xal loo heli laha.

Odayaasha Hawiye aya ku habjabay in Muqdisho aan loo ogolaanayn odayaasha reer Somaliland, mar haddii yaga laga hor istaagay inay Somaliland u dhoofaan. Arrintan ayay Dadwaynaha Somaliland aad isu waydiinayaan maalmahan yagoo isbar bar dhig ku sameenaya labada dhacdo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: