Wasiirka Beeraha Oo Laga Reebay Musharaxiinta U Tartamaya Gudoomiye ku xigeenka Afraad

Wasiirka beeraha somaliland Axmed Muumin Seed ayaa laga reebay musharaxiinta u tartamaya kursiga gudoomiye ku xigeenka 4aad ee xisbiga Kulmiye.

wasiir Seed oo hore u shubay lacagtii laga doonayey qof kasta oo u tartamaya gudoomiye ku xigeenka 4aad ee xisbiga Kulmiye ayaa la sheegay inuu buuxin waayey qaar ka mid ah shuruudihii laga rabay musharaxiinta isla markaana laga reebay xubnaha u tartamaya kursigaasi.

Guddida qaban qaabadda shirweynaha afraad ee xisbiga Kulmiye ayaa qoraal ay badankood ku saxeexan yihiin u gudbiyay wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ay ugu sheegayaan inaanu buuxin shuruudihii tartanka hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye.

Wasiir seed ayaa dhawaan guddiga u gudbiyay qoraal muujinaya inuu u taagan yahay musharaxnimadda gudoomiye kuxigeenka afraad ee xisbiga Kulmiye .




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: