Wasiir Ku-xigeen Dalka IRAN Oo Laga Helay Caabuqa Coronavirus

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN Iraj Harirchi ayaa laga helay Caabuqa coronavirus.

Wakaaladda Wararka IRAN ee Fars ayaa Twitter-ka ku baahisay Muuqaal uu ka hadlayo Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka IRAN oo xaqiijinaya inuu Haleelay Caabuqa coronavirus.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa Isniintii ka soo muuqday Shir-jaraa’id isaga aan muuqaal ahaan wanaagsanayn, isla-markaana masaxaya Wejigiisa.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka IRAN ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka uu haleelay Caabuqa coronavirus uu safka hore kaga jiray la dagaalanka caabuqaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: