Madaxweyne Biixi Iyo Xisbiyadda Mucaaridka Ah Oo Xal Ka Gaadhay Khilaafka Doorashooyinka.

Waxa maanta oo Khamiis ah kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaasha Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI, iyada oo kulankaas lagaga hadlay arrimo kala duwan.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa gadh-wadeen ka ahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya iyada ayna jirin cid kale oo kulanka ku wehlinaysay.

Dhinacyada ayaa heshiis ka gaadhay hanaanka doorashada Somaliland oo in mudda ah ay isku mari la’aayeen xukuumadda Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ahi.

Ugu dambeyntii guddoomiyaasha xisbiyada Mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isku raacay heshiis dhowr qodob ka kooban.

1. Doorashada golaha Wakiilada iyo Deeganku Inay Dhacdo sanadkan 2020

2. Inay Doorashada ay qabtaan Kominshankii Hore ee doorashooyinku Iyo Saddex Xubnood Oo Ka Socda Beesha Caalamka oo loo bixiyey Magaca ( Technical Election Unit )

3. Xisbiyadu Mucaaridku inay iyaguna soo buuxiyaan xubnihii kominshanka cusub ee ay hore ula baxeen .

4. Kominshankan cusub waxaa ay shaqadoodu bilaabi doonta marka ay dhamaato doorashadan ay qabanayaan kominshankii hore ee deeganka iyo Wakiiladu.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: