Madaxweyne Biixi Iyo Aasasaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo Oo Isku Khilaafsan Qaabka Loo Wado Shir Golaha Dhexe Ee Boorama Ka Dhacaya + Canaan La Isku Hurgufay.

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay madaxweynihii hore ee xilka ku wareejiyey Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kulanka uu la qaatay ex madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay kaga wada hadleen arimo la xidhiidha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye iyo shirka golaha dhexe ee dhawaan uga furmaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Warar soo gaadhay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay in ex Madaxweyne Siilaanyo oo ah aas aasihii xisbiga Kulmiye uu madaxweyne Muuse Biixi ku canaantay siyaasiyiintii laga caydhiyey xisbiga  Kulmiye, isaga oo sheegay in dadkii xisbiga kula soo tabcay ee mudada badan ku jiray aanay mudnayn in bilaa sabab lagaga saaro. Ex madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ka horyimid in gudoomiye ku meelgaadh ah loo sameeyo xisbiga Kulmiye, isaga oo madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inaan la jidayn wax cusub balse wax walba ay sharciga maraan isla markaana xubnaha golaha dhexe loo daayo awooda ay u leeyihiin inay soo xushaan cida ay u dooranayaan, isaga oo ku dooday inay muhiim tahay in xisbiga Kulmiye u dhan yahay cida la doonayo in lagu wareejiyo hogaaminta xisbiga balse aanay noqon cid khilaaf abuuri karta.

 

Sidoo kale ex madaxweyne Siilaanyo ayaa ku wargeliyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inaanu damcin in dhamaan xubnaha golaha dhexe ee xisbigu ay la aragti noqdaan isla markaana uu xamilo xubnaha ka horyimaada balse aan laga saarin xisbiga, iyada oo wararku sheegeen in Axmed Siilaanyo uu si gaar ah carabka ugu dhuftay Cabdilaahi Geeljire oo uu ku tilmaamay halgamaa xisbiga mudo badan ku jiray oo aan mudnayn in dibada looga saaro.

Warka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu doodaha Axmed Siilaanyo kaga hal celiyey jawaabo dabacsanaan badani ka muuqato, isaga oo sheegay in ajandaha shirka golaha dhexe ay ku jiraan in xubnaha aan la ansixin ee guddida fulinta cod loo qaado, in xubno cusub lagu soo daro,  in lagu ansixiyo mudo sanad ah oo dib loo dhigay shirweynaha xisbiga  iyo in la saxo khaladaadkii sharci ee xisbiga ka dhex dhacay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku dooday inaanay diyaar u ahayn in la jeexo dariiqo cusub oo hogaaminta xisbiga ku saabsan,  isaga oo cadeeyey inaanay jirin cid si ku meelgaadhnimo ah loogu wareejinayo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye,  waxaanu ka codsaday madaxweynihii xilka ku wareejiyey inuu kala shaqeeyo sidii xisbiga Kulmiye isku duubnidiisa u ilaashan lahaa isla markaana lagala hawl galo sidii loo sii adkayn lahaa midaynta xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisa.

Dhinaca kale waxa kulankan layskula qaatay in ex madaxweyne Siilaanyo uu furo kana qayb galo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo markii hore uu ka maagayey.

Dhinaca kale Wararka ayaa sheegay in ex madaxweyne  Siilaanyo  ay wehelinayeen xubno ka mid ah wasiiradii xukuumadiisa kuwaas oo goob joog ka ahaa kulanka uu la qaatay madaxweyne Muuse Biixi.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *