Madaxweynaha Cusub Ee Maamulka Koonfur Galbeed Oo La Doortay  + Tirada Codadka Musharaxiintu Kala Heleen.

Waxaa goordhaweyd soo dhamaatay tirinta codadka Wareega koobaad ee doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ka Socotay hool kuyaala magaalada Baydhabo.

Doorashada waxaa ku tartamayay ilaa shan Musharax , waxaana wareega koobaad ee doorashada codadka ugu badan helay Musharax Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleestay in uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

 

Musharax Cabdicasiis Lafta Gareen oo dowlada Federaalka ka helayay taageero balaadhan ayaa helay 100- cod halka Musharax labaad ee kusoo xigay oo ahaa Aadan Saransoor uu isna helay 21- Cod

 

 

 

Halkan ka Akhriso sida Musharaxiinta codadka u kala heleen

 

 

1-Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen 100-cod

2-Xuseen Cismaan Xuseen 3-cod

3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor 21-cod

4- Ibraahim Macalin Nuunow 7-cod

5-Seyid Axmed Sheeikh Daahir 4-cod




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: