Kooxo Hubaysan Oo Qardho Ku Weeraray Kornayl Caarre, Gaadhigiisii Oo Ay La Baxsadeen Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

Kooxo hubaysan ayaa saaka badhtamaha magaalada Qardho ku weeraray Kornayl Siciid Caarre, oo Ah hoggaamiyaha Jabhad fadhigeedu yahay Puntland oo Somaliland ka soo horjeeda.

Kooxda ayaa ka xaystay gaadhigii gaar ka ahaa ee kornayl Siciid Cawil Caarre,Wararka ayaa sheegaysa in hadda ay socdaan waan waan Odayaasha deeganku wadaan oo la doonayo in kooxda lagaga soo celiyo Gaadhiga.

Illaa hadda ma cadda sababta ay kooxdani u dhaceen Gaadhiga kornayl Siciid Cawil Caarre, balse wararka Aanu Helayno ayaa waxa ay sheegayaan in kooxdan weerarka gaystay ay daba socoto weeraro hore oo ay gaysteen dad ay isku deegaan yihiin Kornayl Caarre oo la sheegay inay hore gaadhi u dhaceen.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: