“Haddii Berri La Qabanayo Doorashooyinka Xisbiga WADDANI Waa U Diyaar ” Guddoomiye C/raxmaan Cirro.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa boggiisa Facbook-ga ku faafiyay farriin ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyo mawqifka xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyadda qabsoomida doorashooyin ay saaran tahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dhankooda ay u diyaar u yihiin in wada-hadal lagu dhammeeyo caqabaha hor-taagan doorashooyinka.

Farriinta Guddoomiye Cirro ayaa u dhigan “Xilka qabashada doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee Wakiilada iyo Deegaankuba waxa uu saaran yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

Haddii berri la qabanayo doorashooyinka Xisbiga WADDANI waa u diyaar.

Waxa aanu diyaar u nahay in qabyooyinka doorashada ee uu dhismaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku ugu horeeyo in miiska wada-hadalka lagu dhammeeyo”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: