In kabadan 50% dadka u dhintay cudurka CoronaViruska dalka Sweden oo noqday Soomaali

 Dalka Sweden, 50%  dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus ayaa noqday Soomaalida dalkaas ku nool, sida uu sheegay Yassin Abdullahi, oo kamid ah dadka waqtiga dheer ku nool dalkaas kuna jira siyaasadda waddankaas.

12 qof oo Soomaali ah ayaa axadii kasoo dhaafay la xaqiijiyay inay cudurka Corona Virus ugu dhinteen gudaha dalkaas, 7 kamid ah waxay ku geeriyoodeen magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden.

“War Soomaaliyeey waxaan idiin sheegayaa, waxaa talaagadaha maydka inoogu jira 12 mayd ah oo dadkeenna ah. Waxaa loo baahan yahay inaan qaadano wacyi galinta oo aan guryaheenna ku negaano,” ayuu yidhi Yassin Abdullahi, oo iskasoo duubay muuqaal uu kula dardaarmayay Soomaalida Sweden.

Sababta Soomaalida badan cudurkaan ugu dhinteen, ayaa lagu sheegay, taxadar la’aanta iyo qaadasho la’aanta tallooyinka dowladda, iyagoo cudurkaba u haysta inuu yahay wax sahlan oo sida hargabka oo kale looga bogsan karo.

Yassin Abdullahi wuxuu sheegay qofka Soomaaliga ah marka uu cudurka qaado in uu dhexgalp bulshada isagoo qariya in uu cudurka qabo, taasoo keenta in xanuunkii uu sii faafiyo.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: