Sidan waa mid la odhan karo Museveni ga Uganda Bog-cad ayuu ku leeyahay Soomaliya ? Opinion.

Marka haddii ay sidaa tahay ahaa oo Museveni Bog-cad ayuu ku leeyahay Soomaliya waa ku waajib inuu ka hadlo kanna ra,yi dhiibto. Waxa uu Tusaale ugu soo qaatay Maanta Soomaliya, waxa weeye ummada ugaandha ayuu doonayey inuu si dadban iyo so toos ba waxa ugu sheego in halisa haasi oo kale ku habsan karran hadii aanay ka fejignaan.

Haddaba waxa isweydiin mudan waxa soomaliya ugu dhiiraday kuwa kale ee uu sheegaayo ee la midka ah soomaliya uga gaabsaday.

Halka iyada ah micno weyn ayaa ku jira kuwa uu ka tagay waxa uga tegay waxa tahay Jawaab deg-degah ayuu ka heliya balse soomaliya cod wax ka Su,aalay as ma jiryo sida xaqiiqda waana ta sooro-gelinaysa inuu tusaale u soo qaato.

Iminka waxay la jirta kuwa sheegta inay Madaxda Soomaliya yihiin inay ka jawaaba waxa uu Sheegay Museveni iyo inay sidoodii ka Aamisaan.

Hadii aanu nahay Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummadeed waanu ka xun nahay iUmmadda Soomalida ee Koonfurta iyo Bariga, Badhtamaha waxa aany geyin loo horseeday ee Kow ka tahay ta Museveni iyo nooca la mid ka ahi ku soo hal qabsadaan.

Kolay waa hubaa inta dhiiga iyo dhaqan,Dadnimada leh kunna hadhay aad uga xun tahay sidda aan Aniguba uga Xumaaday hal qabdhada Ugaandhiska Museveni iyo kuwa kale aan soomali meel la fadhiisan jirin.

Hadalka uu Maanta, Museveni yidhi hadii Madaxweyne Jamhuuriyada Somaliland odhan laha kuli soomalid Koonfurtu meeshi kasta ay joogan waa ku hadal heyn lahayeen, waxay kalo odhan lahayeen Somaliland Ummadeed waxay ka xun yihiin Soomaliya oo nabad hesha iyo weedho la mid ah.

Hasa yeeshe hadda waa la aamusaya mid madax ah iyo mid shacab ah ba dalka iyo debeda ba. Waxa aan la yaabanahay Xiniin yaha iyo kartida ay muujiyaan marka ay Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummadeed doonayaan inay waxa ka sheegan maxa u diiday inay taas oo kale u la haddaan Ugaadha iyo kuwa kale ee la mid ka ah ee sidda joogta ah waxa uga sheega unna bahdila na.

Mise kuwaas uu ka mid ka yahay Museveni waxa uu ku soo taagaya dhirbaaxo ay xanuunkeeda sanado xasuustaan ileen sidani waa yaab ee !

Abokor Mohamud.

Bolton UK.

Waa Billahi Towfiiq.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: