Qarankeena Haday Xaraan Noqoto in dhaliisha jirta la sheego xaraan bay noqonaysaa in uu horumar iyo horu kac uu hawaysto. Opinion

Xaqiiqatan abwaan abees gabayga uu kaga hadlay xalada dhabta ah ee ka jirta guud ahaanba xabsiyada somaliland gaar ahaan saldhigyada police waa mid xaqiiqa ah waa mid dhabnimadeedu biyo kama dhibcaan ay tahay waxanan o dhan karaa abwaanku waa uu dulka xaadiyay balse dhibatada iyo tacadiyada iyo gefafka aan lala gaban ee police shacabka ugu gaystaan saldhigyadu way badanyihiin waxanay noqdeen qaar soo dahiray oo bulshada somaliland ay inta badan marag iyo markhaati ka tahay intooda badana ay si dhab ah u soo martay shiqsiyana aniga qudhayda waxan marar badan oon mar iyo lababa ka badan aan kala kulmay saldhigyada police dhacdoyin aan wali xasuusto oo ahaa tacdi iyo cadalad daro baahsan aanay jirin cid looga dacwoodo iyo cid lagaga irkadaaba.

 

 

waxaanay arintaasi ka mid tahay meelaha qarankani ka caqiran yahay haatana ka dhitinayo hadad dib u milicsatid mishkilad kasta oo amni daro oo dhacda inta badani waa qaar ku aslan amaba ay sabab u yihiin police ku taas oo ah tagrifal awoodeed oo dulmi loogu gaysto muwadiniinta somaliland

 

 

 

lagu dulmo qof laga xaq darnaa kii xaqa daranaana ka dhigta mid xaq leh taasina waa ta keenta dilalka iyo mashaqooyinka nabad galyo xumo ee dalkeena inta badan ka dhaca goboladiisa kala duwan

 

 

 

Waxaan u arkaa inaaynay khayr u lahayn somaliland in qofka waqiciga jira iyo dhabta sheega loo arko qas wade ama fitna wale xaalad abuur ah amaba sharwado lagu shanbadeeyo.
wana hubaal in aanay tani qarankan ugu filnanayn waxaan ahayn dib u dhac dhabar jab iyo guul darooyin halgaada sharaftida dowladnimo masiirka mustaqbal ee somaliland waana hubanti in aan dheef iyo faaiido ku jirin dib u dhac mooyane.

 

 

 

shaki kuma jiro in police somaliland dib u habayn wayn u bahan yahay u bahan yahay mid sal iyo baar. sharciyada iyo wajibadka saran la baro askariga iyo sarkaalka police intaan loo dirin u adeegida bulshada si loo helo police si hufan oo xalaal ah ugu adeega bulshada somaliland.

 

 

 

Abwaanka xidhigaas loo gaystay shiqsiayan waxaan u arkaa mid gef ah mid foolxumo ku ah xoriyatul qawlka ilsa markaana ku ceeb ku ah nidaamkeena dowladnimo iyo democrat diyada aynu sheegano waxaan u arkaa abwaan ABEES in uu tilmaamay wax qaldan oo sixid u bahan balse aanu wax qaldan sheegin ama aanu samaynin

 

 

Ugu danbayn waxaan ku soo ururinayaa qarankeena haday xaraan noqoto in dhaliisha jirta la sheego xaraan bay noqonaysaa in uu horumar iyo horu kac uu hawaysto

Waan canbaraynaa xidhigaas abwaanka loo gaystay waxan leyahay abwaanka xoriyadiisa haloo soo celiyo

 

WABILAHI TAWFIIQ

 

 Qalinkii Jaylaani Maxamed Xaaji Axmed




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: