DHISIDDA NABADDA W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Waa maxay Nabaddu? Nabadu waa ka madhnaan shaha nooc walba oo
dagaal iyo rabash ah, shaki kuma jiro maqnaanshaha dagaalku inay tahay
shuruudda koowaad ee nabadda laakiin nabaddu ma aha oo keliya
maqnaanshaha dagaal xaqiiqda xaalada lagu garto nabaddu waa marka
qof walbaa uu ku noolyahay amaan, cabsi la’aan ama hanjabaad iyo
rabshad la’aan,

Qaabab dhismeedka nabadeynta iyo hababka nabadayntu way kala duwan
yihiin laakiin waxay dhamaantood ugu dambeynta ay ku soo ururaan inay
hubiyaan in dadku ka nabad galaan waxyeelada helaana sharciga iyo
cadaaladda oo lagu daro go’aannada siyaasadeed ee iyaga saameeya
inay helaan fursado dhaqaale oo wanaagsan oo ay ka faa’iidaystaan ​​si ka
sii wanaagsan hab nololeedkooda hore.

Qaar ka mid ah siyaabaha lagu gaadhi karo tan ayaa ah wanaajinta
nidaamyada garsoorka la dagaallanka musuq-maasuqa, dib-u-habeeynta
dastuurka, marin u helidda howlaha cadaaladda,

Ka shaqeynta hagaajinta amniga guud wada shaqeynta ganacsiga si loo
abuuro shaqooyin waara oo waxtar leh.

Abuurista warbaahin xor ah oo loo dhan yahay oo baahisa barnaamijyo
nabadeed oo loo baahanyahay kuwas oo ka dhigaaya barnaamijyo
horumarineed meelaha ama aagagga ay colaaduhu ka jiraan una nugul
dhaqdhaqaaqa isku dhaca

Muhiimad ahaan dhisidda-nabadda ayaa si iskaashi leh looga wada
shaqeeyaa heer degmo heer qaran heer gobol iyo heer caalami
shakhsiyaadka jaaliyadaha ururada bulshada rayidka ah dowladaha
hay’adaha gobolka iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay dhammaantood
door bay ka ciyaaraan dhismaha nabadda.

Ereyga dhisidda nabada ayaa waxaa laga soo qaatay sanadkii 1992, markii
xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Boutros-Ghali uu ku dhawaaqay
‘Agenda for Peace’.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar)

Suxufi madax banaan
Hargeysa Somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: