Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ay kaxeysteen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Ilo ku dhow Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in xadhiggiisa uu ahaa qaab shirqool ah oo laga soo shaqeeyey.
Waxaa ay sheegeen in Mukhtaar uu ka mid ahaa musharrixiinta Koonfur Galbeed oo lagu ballamiyay Madaxtooyada maamulkaas.
Inta badan Musharrixiinta madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ballamiyay C/Qaadir Shariif Sheekhunaa, oo ah ku simaha Madaxweynaha sidoo kalena ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.
Qof ka mid ah Xogheynta Abuu Mansuur ayaa sheegay in iridda madaxtooyada markii uu marayay lagala degay gaadhiga,kaddibna halkaas lagu jir dilay lana ka xeystay.
Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka socda Rabshado ka dhashay Xadhigga Abuu Mansuur,waxanaa sidoo kale la sheegayaa in magaalada laga maqlayo rasaas ka dhaceysa meelaha qaar.