Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa maanta dhaarisay dhamaan xildhibaanada baarlamanka maamulkaasi, kuwaasi oo shalay lagu dhawaaqay.
66 Xildhibaan ayay gaadhayaan xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland, waxaana munaasabad ka dhacday magaalada Garowe lagu dhaariyay xildhibaanada maamulkaasi.
Saddexda Bishaan ayaa lagu waddaa in ay doortaan Gudoonka baarlamaanka, waxaana xildhibaanada Puntland ay ka kooban yihiin 66 Mudane oo ay ku jirto hal gabadh ah.
Ammaanka xarunta barlamaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo gabi ahaanba la xidhay wadooyinka soo gala xarunta Baarlamaanka.