Hargaysa(Somalilandmirror)-Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Faarax(Guribarwaaqo) ayaa xaalad caafimaad u tagay wadanka Canada, Sida ay xaqiijiyeen warar ay
heshay Warbaahintu, wasiir Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ayaa qaliin loogu sameeyey wadanka
Canada gaar ahaan magaalada Toronto. Wasiir Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo ayaa qaliin loogu
sameeyey indhaha oo sida la sheegay uu xanuun kala soo darsay Wararka ayaa sheegaya in qaliinka
wasiirka la sameeyey sadex cisho ka hor isla markaana uu ilaa haatan ku jiro cusbitaalkii qaliinka
loogu sameeyey ee dalka Canada. Ma jiro wax war ah oo laga soo saaray xaalada caafimaad ee
wasiirka warfaafinta somaliland iyo qaliinka loogu sameeyey dalka Canada.