Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyay waxaana la xiray dhamaanba jidadka muhiimka ah iyo isgoysyada caasimada, waxaana la diiday in ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa la aas-aasay sanadkii 20 Dec 1943kii waxaa lagu tilmaamaa in Booliisku yahay hooyada dhamaanba ciidamada kala gadisan ee qalabka sida.
Waajibaadka saaran Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ah sugida Nabad-galyada gudaha, ka hortagida falalka ka dhanka ah Amniga iyaga oo haddii loo baahdo kaashanaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Inkastoo Ciidanku uu soo maray waqti iyo waayo u wacnaa marka la eego gudashada waajibaadkkooda shaqo ayaa haddana la oran karaa maanta kuwo ka soo kabanaya waayihii adkaa ee soo maraya dalka, waxaana soconaya dadaallo la doonayo dib loogu soo celiyo cududdii ay lahaayeen dhamaanba ciidamada qalabka sida.