Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska Theresa May ayaa ka badbaaday codkoo Baarlamaanka ee kalsoonida loogu qaaday.
200-cod ayay heshay oo u codeeyay inay Dalka sii hoggaamiso, halka 117- cod ka soo horjeesteen waxaanay aqlabiyada ku heshay 83-cod.
Xildhibaano ka soo jeeda Xisbigeeda ayaan u codayn taas oo dareen iyo su’aal Ka keentay kalsoonida ay haysato.
Si kastaba ha ahaate Theresa May codkii caawa ka dhacay hooyada Baarlamaanka adduunka ee London way ku badbaaday .