Ujeedada socdaalka labada madaxweyne ay u tagayaan magaalada Addis Ababa ayaa ah inay ka qeyb galaan xarig ka jarista garoon loo dhisay qaab casri ah oo laga hergeliyay magaalada Jima ee gobolka Oromia ee dalka Ethiopia.
Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa muddaba waday isbeddel gudaha iyo dibadda ah oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha la xiriiray, waxaana la filayaa in labada masuul uu kala hadli ka mid ahaanshaha isbadalka geeska.
Dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika ayaa u arkayay Isbaheysigan oo ay ka maqanyihiin Jabuuti iyo Sudan in uu gaabis yahay sidaas darteedna waxaa ay u badantahay in Abiy uu kala hadlo labada masuul ka qeyb ahaanshaha isbadalka socdo.