Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa ku eedaysay dawladda Federaalka Soomaaliya in ay khalkhal gelinayso doorashada madaxweynimo ee Puntland.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne ku-xigeenka Puntland meel iska dhigay mas’uuliyadii loo doortay taas bedelkeena kana doorbiday fulinta Awaamiir lagu khal-khal gelinayo xasilloonida puntland taas oo ay sheegeen in laga soo faray Muqdisho.
ilaa hadda madaxweyne ku-xigeenka Puntland kama jawaabin eedaynta loo soo jeediyay.
Camay iyo Gaas, ayaa midkastaa magacaabay guddida xallinta khilaafaadka iyo Ansixinta wakiillada Puntland.
Akhriso War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland.