Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dalkaasi Soomaliya ayaa u guntaday sidii uu isugu soo dhawayn laha Madaxweyne Farmaajo Iyo Guddoomiyaha golaha shacabka oo khilaaf xoogani u dhaxeeyo. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa hada kulan waxaa uu la qaatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha ee maalmo ka hor Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Guddoomiyeyaasha Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Senator-ada aqalka sare ayaa qeyb ka ah kulanka hada socda.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlaya Xaalada adag ee xiligan uu wajahay Dalkaasi Soomaliya taas oo u dhaxaysa Madaxda ugu sareysa Dowlada Soomaaliya.