Isaga oo ka hadlay furitaanka kulanka 34 ee Guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay magaalada Istanbul ayuu sheegay inay difaaci doonaan dadka reer Falastiin ee dhulkooda xooga lagu haysto.
“Inta Muslimiinta difaacayaan xuquuqda, Cadaalada iyo xorriyadda, Falastiin way sii jiri doontaa, Taariiqdeena ma aha mid noo dhigeysa waxa dhacay oo kaliya, laakiin waa ilo cashar oo nagu horseedaya inaan xoogeysano oo aanu dhiiri gelino ”ayuu hadalkiisa kusii daray.
Madaxweyne Erdogan ayaa salaan u diray “Dhalinyarada iyo haweenka Falastiin ee u dhabar adeegaya difaacidda Jerusalem, iyo qaxootiga Falastiiniyiinta oo ilmada ay kaga daadaneyso inka badan 70 sano gudaha guryahooda”
“Waxaan u dirayaa salaan qaas ahaaneed dhulka ilbaxnimada iyo Nabadda, Falanstiin iyo QUDUS-ta wanaagsan, Wadnaha Islaamka Caalamka”ayuu yiri madaxweynaha dalka Turkey Mr Erdogan.
Wuxuu ugu yeedhay dhamaan muslimiinta inaysan ku dhicin dabinada “Shirqoolada” loo dhigayo, isaga oo kaga digay in looga faa’ideyso kala aragti duwanaantooda.
“Waa inaan gelin qalbiyadeena xuduudo cusub iyo darbiyo adag, iyadoo xuduudaha nagu hareereysan ay dhiig ku daadanayaan”ayuu hadalkiisa kusii daray Erdogan.