China(somalilandmirror.com)-Baank China laga leeyahay oo magaciisu yahay (Exim Bank China ) iyo Soomaliya ayaa Maanta kala Sexeexday heshiis dayn dhan 200 million oo doolarka Maraykanka ah.
Waxa lacagta waa Sida Baanku uu sheegaye ay Soomaliya doonaysaa inay ku Maal-geliso Dekeda Muqdisho .
Waxa kale ee uu Baanka China lacagtiisa kaga soo ceshanaya soomaliya inuu ka kaluumaysto Badda Somaaliya inta dayntu dhamaaneyso.
Sidoo kale heshiisku wuxuu odhanayaa in China ay qayb ku leedahay mulkiyada goobta lacagta laga Amaahday gashay oo ah Dekedda Muqdisho, ilaa inta si buuxda loo bixinayo daynta.
Dawlada Somalia ayaan wali warkaa wax ku saabsan aan ka hadlin, laakin warkan ayaa imanaya yadoo dhawaan dawlada Maraykanku ay toos u canbaaraysay China oo ku eedaysay inay wadanada Afrika lacaga dayna siiso oo shuruuda adag ku xidho.
islamarkaana Maraykanka ayaa madaxda Afrika ku adkeeyay inay heshiisyada ay wadanadooda u galaan ay noqdaan kuwa daah-furan oo waddamadooda aan dhib ku keenin.