Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo kamid ah ganacsatada reer Somaliland ee caanka ah oo ugu horrayn hadal kooban ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu si weyn u bogaadiyey safarka muddada qaatay ee uu madaxweynuhu ku tegay gobollada Bariga dalka oo uu xusay inuu dhaliyey natiijo guul u ah guud ahaanba shacabka reer Somaliland.
Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo madasha loo asteeyey inuu madaxweynuhu bulshada kala hadlo, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana uu si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay bulsho weynta ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee aan u kala hadhin soo dhaweynta madaxweynaha.
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Axmed iyo maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo goobta ka hadlay, ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka ku dhaqan caasimadda ee soo dhaweynta farxaddu ka muuqato ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa.